Korriin fiican iyo siyaasad qoys oo wanaagsan!

Waxaanu isu soo sharaxaynaa doorashada xisbiga Shaqaalaha Bergen. Waxaanu ka shaqaynaynaa magaalo u midaysan sidii bulshadu u dhawri lahayd kuwooda ugu taagta daran.

Carruurta iyo dhallinyaradu waxay heli doonaan fursado isku mid ah magaalada Bergen. Taas micneheedu waa in xisbiga Shaqaaluhu uu mudnaanta siin doono xannaano ammaan ah, iskuulo wanaagsan, iyo deeq isboorti iyo dhaqan oo ay dhallinyarada iyo carruurtu u siman yihiin.

Pål iyo Cabdullahi

Waxaa weli Bergen iyo Norwayba ka jira kala duwaansho bulsho. Waxaan sidaas daraadeed aaminsanahay in siyaasadda qoyska mudnaan ka badan tan maanta la siiyo. Qoysasku waxay heli doonaan guryo wanaagsan oo ay degaan, waalidiintu waxay heli doonaan deeq waxbarasho iyo shaqo si ay qoysaskooda u masruufaan. Dhammaan carruurtu waxay heli doonaan fursad ay ku rumeeyaan riyadooda taasna waxay ku gaari karaan inay helaan korriin fiican.

Cabdullahi iyo Pål waxay deggan yihiin Slettebakken, Bergen, waxayna si wanaagsan u ogyihhin in qaar badan oo ku nool deegaankan ay nolol-maalmeedkooda kala la kulmaan dhibaatooyin. Waxaan sidoo kale aaminsanahay in dedaalkayaga siyaasadeed saamayn ku yeelan karo nolol-maalmeedka dadka, waxaanuna doonaynaa inaan noqono siyaasiyiin si sahlan aad ugala soo xiriiri karto arrimaha muhiimka kuu ah. Sidan baan ugaga hadli arrimaha waaweyn iyo kuwa yaryarba kulamada maamulka deegaanka ee Bergen. Qaabkan ayaan ku soo gaabinaynaa waddada u dhexeysa bulshada Soomaalida iyo goobaha siyaasadda lagu go’aamiyo ee Bergen. Waxaan doonaynaa inaad qayb ka noqotid dimuquraadiyada iyo siyaasada,

Waxaanu aaminsanahay in bulshada Soomaaliyeed ay muhiim ah u tahay horumarka magaaladeena. Sidaas daraadeed waxaan doonaynaa in soo galootiga Bergen si gaar ah oo wanaagsan loola dhaqmo oo aan si qallafsan loola dhaqmin. Waxaan doonaynaa inaan baabi’ino cadaawadda indhaha la’  iyo nacaybka, iyo in aan dhisno dulqaad u dhexeeya dadka iyo rumaysnaanta in wadajir aan ku abuuri karno magaalada ugu wanaagsan ee lagu noolaado.

Ku soo biir kooxdeena! Waxaan u baahanahay taageerdaada si aan u soo galno golaha deegaanka ee Bergen oo aan siyaasadda u beddelno. U codee xisbiga Shaqaalaha oo taageer Cabdullaahi iyo Pål.

-Cabdullahi Cilmi Ibraahim wa macallin, deggan Slettebakken waana musharax lambar 13 liiska doorashada xisbiga Shaqaalaha.

-Pål Hafastad Thorsen waa tababare koox isboorti, deggan Slettebakken waana musharax lambar 69 ee liiska xisbiga Shaqaalaha.


En trygg oppvekst og god familiepolitikk!

Vi stiller til valg for Arbeiderpartiet i Bergen. Vi vil jobbe for en solidarisk by hvor samfunnet tar vare på dem som trenger fellesskapet aller mest.

Pål og Abdullahi

Barn og unge skal ha like muligheter i Bergen. Det betyr at Arbeiderpartiet vil prioritere trygge barnehager, gode skoler og et inkluderende tilbud for alle barn og unge i idrett og kultur.

Det er fremdeles altfor store sosiale forskjeller i Bergen og Norge. Vi mener derfor at familiepolitikken må prioriteres mer enn det som er tilfelle i dag. Familiene skal ha gode boliger å bo i, foreldrene skal få tilbud om utdannelse og en jobb å gå til slik at de kan forsørge familiene sine. Og alle barn skal få realisere sine drømmer om det gode liv gjennom en trygg oppvekst i Bergen.

Både Abdullahi og Pål bor på Slettebakken i Bergen og kjenner godt til at hverdagen for mange i nærmiljøet vårt kan være krevende. Samtidig er vi sterk i troen på at vår innsats i politikken faktisk kan være med på å påvirke hverdagen til alle innbyggerne og vi ønsker å være politikere som du lett kan komme i kontakt med de sakene du mener er viktig. Slik kan vi løfte små og store saker i bystyret i Bergen. På den måten sørger vi for at veien mellom det somaliske miljøet og det politiske Bergen blir kortere. At politikken og demokratiet kommer nærmere deg.

Vi mener at det somaliske miljøet i Bergen er viktige ressurser i utviklingen av byen vår. Derfor ønsker vi å positivt forskjellsbehandle og ikke negativt motarbeide innvandrere i Bergen. Vi ønsker å bryte ned fordommer og hat og bygge opp toleranse mellom mennesker og troen på at vi i fellesskap skaper den beste byen å bo i.

Bli med oss på laget! Vi trenger din hjelp til å komme inn i bystyret i Bergen og bidra i politikken. Stem Arbeiderpartiet og støtt Abdullahi og Pål.

-Abdullahi Elmi Ibrahim er lærer, bosatt på Slettebakken og kandidat nummer 13 på Arbeiderpartiets valgliste

-Pål Hafstad Thorsen er daglig leder i et idrettslag, bosatt på Slettebakken og kandidat nummer 69 på Arbeiderpartiets valgliste.

Legg igjen en kommentar

Din e-postadresse vil ikke bli publisert. Obligatoriske felt er merket med *